DHAGEYSO:Daadad saameyn ku yeeshay qaar ka mid ah ismaamullada dalka

Fatahaado labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dhuftay qaar ka mid ah dowlad deegaanada dalka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 qof.
Sido kale waxaa guriyahooda ka barakacay boqolaal kale.
Maalinkii sabtida ayay ahayd markii laba qof ay ku quusteen webiga Muangini ee Makueni.
Meydkooda ayaa galinkii dambe ee shalay laga soo helay meel webiga u jirtay dhowr kiilomitir.
Ku xigeneka guddoomiyaha degmada Kasikeu ,Arthur Wanyoike ayaa shacabka uga digay inay gudbaan webiyada ay biyuhu buux dhaafiyeen.
Mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka ee deegaanka Awendo ayay biyo socday qaadeen xilli uu marayay meel u dhow buundada Madiaba .
Saddex qof oo kale ayaa biyo ku quustay deegaanada Uriri iyo Rongo.
Ismaamulka Baringo ayaa sido kale laga soo sheegaya saameyn ka dhalatay daadadka , mid ka mid ah ah qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay ayaa warbaahinta la hadlay.

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Kisumu, ayaa sheegaya in laba ka mid ah dugsiyada halkaas ku yaalla la xiray halka boqolaal qoysas ahna ay hooy la’aan noqdeen kaddib fatahaado ku dhuftay tuulada Kakola-Kombaka ee deegaanka Nyando .
Ku xigeenka guddoomiyaha tuuladaas Jacob Ong’udi ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 300 oo qoysas ah ay barakaceen.
Dowlad deegaanka Homa Bay, 180 qoysas ah ayaa hadda ku sugan dugsiyada hoose dhexe ee Kobuya iyo Osodo ee deegaanka waqooyiga Rachuonyo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here