Daadad saameyn yeeshay oo ku dhuftay Cambodia

Boqolaal qoys oo ku nool gobollada Pursat, Battambang iyo Pailin ee dalka Cambodia ayay dantu ku khasabtay in guriyahooda laga daadgureeyo maadaama ay da’ayaan roobab culus oo ay fatahaado ka dhasheen.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada shan qof waxaana la la’yahay sideed kale.
Afhayeenka guddiga qaran ee maareynta musiibooyinka ee Cambodia Seak Vichet ayaa warbaahinta u sheegay in canug labo sano dhallan iyo qof 57 sano jir ah ay ka mid yihiin dadka ay biyuhu la tageen.
In ka badan 33,000 guriyo ah ayay biyuhu gudaha u galeen waxaana la daadgureynayaa ugu yaraan 26,000 oo qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here