Daadadka bariga Afrika oo saameeyay 2.8 milyan oo qof

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadannimo ee OCHA ayaa sheegtay in ugu yaraan 280 qof ay u dhinteen fatahaadaha ku dhuftay bariga Afrika.
Daadadkan oo ka dhashay roobab culus oo da’ay ayaa guud ahaan saameeyay nolosha ugu yaraan 2.8 milyan .
OCHA ayaa sido kale sheegtay inuu burbur soo gaaray guriyo iyo kaabayaasha waddooyinka.
Dhibaatooyinkan ayaa si weyn u taabtay nolol maalmeedka dad badan iyadoo laga cabsi qabo inay dillaacaan cudurada uu ka midka yahay daacuunka.
Hay’addan ayaa intaasi ku dartay in roobabka hadda da’aya la rajeynayo inay wadamada Kenya, Tanzania iyo Uganda ka sii jiraan ilaa dhammaadka bishan 12-aad.
Gudaha Kenya waxay saameyn soo gaartay in ka badan 160,000 qof oo ku nool 31 ka mid ah 47-da ismaamul ee wadanka.
Ugu yaraan 132 qof ayaa gudaha dalka ku dhintay waxaana ka mid ah 72 uu dhul go’o noloshoodu ku galaaftay ismaamulka galbeedka Pokot.
OCHA ayaa sheegtay in gudaha Soomaaliya ay daadadku saameeyeen 547,000 oo 370,000 ka mid ah ay barakaceen iyadoo dhimashadu ay tahay 17 qof.
Suudaanta Koonfureed waxay tan iyo bishii lixaad ee sannadkan fatahaadaha dhibaatooyin ka soo gaareen 908,000 qof ,78 qof ayaa dhintay waxaana burburay 49,500 oo guriyo ah.
Dhanka Itoobiya , OCHA ayaa shaaca ka qaadday inay saameyn la xiriirta roobabka ku timid 570,000 qof oo ay ka mid yihiin 200,000 barakacay.
Hay’addan ayaa sido kale laga soo xigtay in daadadka ay gudaha dalka Burundi ku saameeyeen 3,100 qof, Uganda oo laga soo tabiyay daadad iyo dhul go’o waxaa laga dayrinayaa 12 degmooyin oo ay ka mid tahay degmada Bundibugyo halkaasi oo ay dhibaatooyin ku haystaan in ka badan 4,000 oo qof.
OCHA ayaa sido kale sheegtay Tanzania ay ku dhintene ugu yaraan 50 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here