Daadadka saameeyay qeybo ka mid ah dalka oo barakiciyay in ka badan 800 oo kun

Ugu yaraan 807,000 oo qof oo ku nool gudaha dalka ayaa ku barakacay fatahaadaha ka dhashay roobabka culus ee ka da’ay qeybaha kala duwan ee wadanka.
Dad ay tiradoodu tahay 237 oo qof ayay daadadka noloshooda galaafteen.
Meelaha ay saameynta ugu badan soo gaartay ayaa ah deegaannada u dhow harada Victoria, Lake Naivasha, webiyada Tana iyo Nzoia , qeybo ka mid ah bartamaha dalka iyo dhanka buuraleyda Aberdares.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay khasaaraha nafeed iyo barakaca ay daadadka sababeen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhanka kale qoysas dhan 161,000 ay saameyn soo gaartay.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in maadaama ay roobabka sii da’ayaan sido kalena biyaha ku jiro ceelasha qaar ay kordheen in laga cabsi qabo in dad dheeraad ah ay dhibaatooyin soo foodsaaraan.
Mr. Wamalwa ayaa dadka deggan meelaha ay inta badan saameeyaan daadadka ama dhul go’a ugu baaqay inay u wareegaan goobaha uu joogoodu sarreeya.
Wasiirka ayaa sido kale xusay in dowladda ay cunno , biyo nadiif ah iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah ku caawinayso qoysaska ay daadadka sida gaarka ah u saameeyeen.
Wamalwa ayaa deeq bixiyaasha iyo siyaasiyiinta ugu baaqay inay gargaar u fidiyaan kenyaanka dhibaateysan.
Waxaa uu Mr. Eugene Wamalwa, wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka ku taliyay in la kaashado barasaabyada ismaamullada iyo guddoomiyaasha dowladda dhexe matalo si marka cunnada gargaarka ah loo qeybinaya qoysaska barakacay aynan isbuurasho u dhicin.
Dhanka kale waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in roobabka hadda jira ay sii socon karaan ilaa iyo bisha lixaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here