Daawo labaad oo lagula tacaalayo cudurka Ebola ee DRC oo la soo saari doono

Hay’adda caafimaadka adduunka WHO ayaa sheegtay in bisha soo socoto ee Oktoobar la soo bandhigi doono daawo labaad ee loo adeegsan karo in lagu dabiibo dadka uu soo rito cudurka Ebola ee saameeyay jamhuuriyadda dimuqaradiyadda Congo ee DRC.
WHO ayaa sido kale xustay in ilaa iyo hadda gudaha DRC ay cudurkan ugu dhinteen in ka badan 2,100 oo qof.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee (MSF) ay eedeyn u jeedisay WHO oo ay ku dhaliishay in daawadii hore aynan si buuxda u bixin.
Intii u dhexeysay sannadihii 2014-kii iyo 2016-kii ayay ahayd markii cudurka Ebola oo saameeyay wadamada Guinea, Sierra Leone iyo Liberia ay u dhinteen in ka badan 11,000 oo qof.
WHO ayaa sheegtay in ilaa 17-kii bishan sagalaad ay diiwaan gelisay kiisas la xariira Ebola oo dhan 3,145 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here