Dab ka kacay dugsi sare oo ku yaala Migori

Xili ay kooxda qaran ee dalka Hrambee Stars la cayaarayeen Kooxda qaran ee Algeria,Cyarataasi oo ka dhacday magalada Qahira ayaa ardada dugsiga sare ee Ururiri ee ismaamulka Migori dab qabadsiiyeen qaybta jiifka ee dugsiga ka dib markii loo diiday inay daawadan cayartaasi.
Ardadan ayaa ka caraysnaa go’aanka ay macalimiinta ka qaateen oo ay kaga hor istaageen inay daawadaan Koobka wadamada Afrika 2019-ka oo xala ay Kenya la cayaareysay Kooxda Algeria waxayna bilabaneysay 11-ka habeenimo.
Xiligaasi arada waxay dhamysteen casharada habeenkii ,ka dib macalimiinta ayaa waxay ku amreen inay qaybta jiifka aadan kadibna ay sexdaan.
Waxaana mudo usbuuc ah albaabada la isugu dhuftay skuulkaasi.
Wax yar ka dib waardiyaha ayaa sheegay in dab uu ka kacay mid ka mid ah qaybaha jiifka daqiiqada ka dib markay cayarta bilaabatay.
Qaar ka mid ah aradada iyo dariska ayaa durbadiiba dabka damiyay ka hor inta uusan faafin.
Si kastaba ahaate Qaar ka mid ah taageraysha ayaa ka hadaly habkii ay u dhacday cayartii xala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here