Dab ka kacay dugsiga sare ee wiilasha ee Lenana

Waxaa subaxnimadii hore ee maanta dab qabsaday dugsiga sare ee wiilasha ee Lenana.
Dabka ayaa ka kacay qeeybta jiifka ee ardeeyda abaare 7-dii subaxnimo.
Ma jiro arday ku wax yeeloobay musiibadaasi balse waxaa goobta ku burburay hanti aan qiimaheedu la cayimin.
Guddoomiyaha guddiga iskuulkaasi, Samson Ndegwa ayaa sheegay in dhammaan alaabtii ku jirtay guriga gubtay uu burburiyay dabka kaas oo ay seexan jiray arday dhan 164.
Dabka ayaa loo maleynayaa inuu ka dhashay cillad ku timid korontada.
Maamulaha dugsigaasi Lenana Mr. William Kamei ayaa sheegay in dhammaan ardeyda ay ku jireen fasallada xilligaas uu dabka kacay.
Dhanka kale waxaa uu sheegay in baaritaano la billaabay si loo xaqiijiyo waxaa sababay dabkaasi ka kacay iskuulka Lenana.
Baabuurta dab damiska ee ismaamulka Nairobi ayaa soo gaaray iskuulka kuwaas oo la tacaalay xaalada ugu dambeyna waxay saraakiisha ku guulaysteen inayn damiyaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here