Dab ka kacay suuqa Githurai

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya inuu dab ka kacay suuqa Githurai ee ku yaalla agagaarka wadada Thika.
Dabka ayaa burburiyay hanti qiimaheedu lagu qiyaasay malaayiin shilin.
Waxaa uu qabsaday goob lagu iibiyo kuraasta iyo sariirada.
Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa sheegtay in halkaasi la geeyay saraakiil isku dayaya inay damiyaan.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ee keentay in suuqaasi uu dab qabsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here