Dab khasaare gaystay oo ka dhacay deegaanka Njoro ee Nakuru

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Njoro ee ismaamulka Nakuru ayaa sheegaya in halkaasi uu ka kacay dab xooggan.
Dabka ayaa burburiyay guriyo la degganaa iyo qaar ka mid ah meheradaha ganacsi ee xaafadda Mwisho wa Lami.
Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in dabku uu ka bilowday kaalin shidaal ka hor inta uunan sii faafin iyadoo dadweynaha ay isku dayeen inay damiyaan.
Taliyaha booliska deegaanka Njoro, Maxamad Huka ayaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay.
Waxaa uu sheegay in la howlgeliyay saraakiisha waaxda dab damiska oo ugu dambeyn ku guulaystay inay damiyaan.
Sido kale waxaa uu xusay inaynan jirin cid dhacdadaasi ku dhaawacantay ama ku dhimatay isagoo carrabka ku dhuftay inay guda galeen baaritaano ku aaddan sababta dabkaasi uu goobta u qabsaday iyo xaqiijinta khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here