Dab qabsaday gaari marayay wadada Lang’ata

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Lang’ata ee magaaladatan Nairobi ayaa sheegaya in gaari dab ku qabsaday Wadada Lang’ata xalayto fiidkii taas oo argagax gelisay gawaaridii ka dambeesay.
Darawalkii waday gaariga nuuca loo yaqaano Volkswagen Passat oo la hadlay warbaahinta ayaa sheega in uu ku sii jeeday gurigiisa markii uu dareemay shiir u eg fiilooyinka gaariga gubanaya.
Wuxuu sheegay inuu isku dayay inuu damiyo dabka balse uu aad u holcay.
Darawalka ayaa Keligiis baabuurka sarnaa balse wuxuu ku guuleystay inuu baxsado iyadoo uusan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray.
Mid ka mid ah wadayaasha gawaarida ee wadadaasi mareesay ayaa ku shiday nal gaariga guubanayay si aysan kuwa kale ugu soo dhawaan dabka.
Baabuurta dab damiska ee ismaamulka Nairobi ayaa soo gaaray goobta abaaro 9:20 ee fiidnimo kuwaas oo la tacaalay xaalada ugu dambeyna waxay saraakiisha ku guulaysteen inayn damiyaan
Sababta dabka uu gariga u qabsaday wali lama cadeynin in kasta oo ay jiraan warar sheegaya in ay u sabab ahayd cilad koronto.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo hal toddobaad gudihiisa uu gaarigii labaad dab ku qabsado wadadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here