Dabageed oo loo doortay madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle

Yuusuf Axmed Hagar ‘Daba-geed’ ayaa loo doortay madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle, doorasho hadda ka dhacday Jowhar.

Wuxuu heley 87 cod, halka hal musharrax Maxamed Dheere oo la tartamayey uu heley 12 cod.

Yuusuf Dabageed ayaa horay dhowr jeer u soo noqday Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Waxaa sidoo kale lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay dadka awooda ku leh maamulka gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here