Dableey ugu yaraan 15 qof ku dishay Thailand

Ciidamada ammaanka ee dalka Thailand ayaa sheegay in ugu yaraan 15 qof ay dhinteen kaddib weerar ay gaysteen rag hubeysan oo aan weli heybtooda la garan.
Koox looga shakisan yahay inay ka mid yihiin maleeshiyo gooni u goosad ah ayaa weerar ka fuliyay bar kontorool.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay gobolka Koonfureed oo ay muslimiintu u badan yihiin.
Dadka la dilay waxaa ka mid ah sarkaal boolis waxaana lagu tilmaamay falkii ay dhimashada ugu badan ka dhalatay ee muddo laba sano ah.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here