Dabley saddex qof ku dhishay magaalada Kabul

Caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul ayaa lagu soo warramayaa in dabley aan weli heybteeda la garan ay ku toogatay saddex qof.
Dadka la dilay waxaa ka mid ah xubin ka tirsanaa golaha gobolka bari ee Logar, Naser Ghairat.
Afhayeenka booliska ee Kabul Ferdaus Faramarz ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale la dilay laba sarkaal oo Naser Ghairat ilaalo u ahayd halka mid kalena la dhaawacay.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaas.
Maalinkii Jimcada ayay ahayd markii ugu yaraan 32 qof oo shacab ah la dilay halka ilaa 180 kalena la dhaawacay kaddib markii laba qof oo hubeysnaa ay rasaas ku fureen dad isugu yimid sannadguuradii ka soo wareegatay geeridii hoggaamiyihii Shiicada, Cabdul Cali Mazari.
Waxaa mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay kooxda la magac baxday dowladda islaamiga ee ISIS.
Madaxweynaha Afghanistan ,Ashraf Ghani ayaa guddi u saaray inuu baaro toogashada dhacday oo uu ku tilmaamay weerar argagixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here