Dacwad ay wajahayaan 4 ka mid ah saraakiisha Samburu oo dhammaadka bishan la dhageysan doono

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in eedeymo loo soo jeediyay afar ka mid ah howlwadeennada dowlad deegaanka Samburu dib loo dhageysan doono 30-ka bishan lixaad.
Shalay ayay ahayd markii maxkamadda ay eedeysanayaasha ku siidaysay damiin lacageed oo min 500,000 oo shilin ah kaddib racfaan ay qaateen.
Mas’uuliyiintan ayaa lala xiriiriyay fadeexad la rumeysan yahay in lagu lunsaday lacag dhan 8.4 milyan oo shilin oo qaab qandaraas ah loo bixiyay.
Eedeysanayaasha ayaa kala ah madaxa waaxda soo iibsashada qalabka ee ismaamulka Samburu Geoffrey Kitewan, sarkaalka sare ee dhanka maaliyadda Daniel Nakuo Lenolkirina iyo dhigiisa wasaaradda beeraha ee ismaamulkaas Reuben Lemunyete Maruben.
Ku xigeenka agaasimaga EACC ee bariga dalka George Ojowi ayaa sheegay in saddexda sarkaal ay iska indha tireen shuruucda u degsan bixinta qandaraasyada iyo soo iibsashada qalabka.
Qandaraaska sida aan habbooneyn loo bixiyay ayay EACC sheegaysa in la siiyay shirkadda CMC Motors Group Ltd si ay u keento cagafyo labo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here