Dacwad dil ah oo loo haystay xildhibaanka bariga Embakasi oo laga laabanyo

Felix Orinda oo loo yaqaano DJ Evolve ayaa haatan doonaya in meesha laga saara kiiska ka dhanka ah xildhibaanla bariga Embakasi ee magaaladatan Nairobi Babu Owino.
Babu Owino ayaa loo haystaa inuu toogasho kula kacay mid ka mid ah howlwadeenada goob lagu caweeyo oo loo yaqaano B-Club bilowgi sannadkan.
Dj Evolve ayaa maxkamadda uu sheegay isaga oo u marinaya qareenkiisa Kenneth Mumbo in wada tashi qoto dheer uu la yeeshay qoyskiisa kaddib, waxay isku raaceen inuu xooga saaro xaaladiisa caafimaad halkii uu sugi lahaa kiisa ee dacwadda loo haysto xildhibaanka.
Waxaa uu sheegay in kiiska aan ila iyo haatan la soo gaba gabeenin uu saameyn ku yeeshay soo kabashadiisha.
Si kastaba ha noqotee, xafiiska dacwad soo oogida ayaa doonaya wakhti dheeraad ah si ay u qiimeeyaan xaaladda maskaxeed ee DJ Evolve ka hor inta aan meesha laga saarin kiiska.
Sido kale maxkmadda ayaa kula raacday codsiga xafiiska dacwad soo oogista .
Maxkmadda ayaa sheegtay inay jawaab bixin doonto kaddib marka xeer ilaaliyaasha ay soo bandhigaan waxyaabo lagu qanci karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here