Dacwad ka dhan ah Barasaabka Migori oo Billaabanaysa

Waxaa maanta la  filayaa inay billaabato dacwad ka dhan ah guddoomiyaha dowlad deegaanka  Migori ,Okoth Obado oo lala xariiriyay dilkii  gabadh dhiganaysay  jaamacad  oo lagu magacaabi jiray  Sharon Otieno.

Waxaa  kiiskan wajahaya  Mr.Obado , kaaliyihiisa  Michael Oyamo   iyo Caspal Obiero oo ah karaaniga ismaamulkaasi.

Bishii Tobnaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii guddoomiyaha Migori  lagu siidaayay damiin lacageed oo dhan 5 milyan oo shilin  iyadoo sido kale la xaddiday dhaqdhaqaaqiisa.

Sharon Otieno oo 26 sano jir ahayd ayaa la waayay  3-dii bishii sagalaad ee sannadkii 2018-kii   waxaana  meydkeeda la helay laba  maalmood kaddib.

Guddoomiyaha   iyo gabadhan ayaa  waxaa ka dhexeyay xariir in kastoo uu  iska fogeeyay inuu dilkeeda ku lug lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here