Dacwad ka dhan ah muddo kordhinta guddiga BBI oo maxkamadda la geeyay

Kaddib markii dhawaan madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu muddo kordhin u sameeyay xubnaha guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ayaa waxaa maxkamadda la geeyay dacwad tallaabadaas looga soo horjeedo.
Mr. Okiya Omtatah oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga ayaa kiiskan gudbiyay.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale wargeyska rasmiga ah ee dowladda lagu soo daabacay magacyada xubnaha guddiga oo ka kooban 14.
Guddigan ayaa loo qabtay ilaa dhammaadka bisha lixaad ee sannadkan si uu dowladda ugu soo gudbiyo warbixin kama dambeys ah oo faahfaahsan.
Hasa ahaate Mr .Omtatah ayaa doonaya in maxkamadda ay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ka hor istaagto dhaqangelinta muddo kordhinta uu sameeyay .
Sido kale waxaa uu ku talinayaa in guddigan aan loo oggolaan inuu howlihiisa sii wato maadaama uu walaac ka muujinaya adeegsiga lacagaha dadweynaha.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto uu dhaliilay madaxa mucaaradka ODM , Raila Odinga iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi kaddib kulan lagu qabtay ismaamulka Kisii.
Kulankaasi oo dadweynaha lagu wacyigelinayay isbeddelada dalka ka jiro oo ay ka mid tahay arrimaha BBI ayuu Ruto sheegay in si aan habbooneyn loogu isticmaalo hantida shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here