Dacwad ka dhan ahayd mid ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda ugfu sarreysa oo laga laabtay

124

Guddiga adeegga waaxda garsoorka ee dalka ee JSC ayaa gaashaanka u daruuray warbixino ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta wadanka oo lagu sheegay inuunan guddigu ku guulaysan inuu xal ka gaaro dacwad ka dhan ah garsoore Njoki Ndung’u.
Mrs. Ndung’u ayaa ka mid ah xaakiinada maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court.
Warbaahinta dalka ayaa tabisay in JSC uu ku fashilmay inuu soo saaro guddiga baaritaano ku sameeyo eedeymo la xariira habdhaqan xumo oo loo soo jeediyay garsoore Njoki.
Madaxa cadaaladda ee dalka ahna guddoomiyaha guddiga JSC Mr. David Maraga ayaa sheegay in meesha laga saaray dacwad uu soo gudbiyay qareen lagu magacaabo Apollo Mboya taasi oo ka dhan ahayd Mrs. Ndung’u sidaasi awgeedna aanan lagu sii tallaaba qaadin Karin eedeymihii jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here