Dacwad ku saabsan dhakhaatiirtii Mandera laga afduubtay oo dib u billaabanaysa

Waxaa la filayaa in galinka dambe ee maanta mar kale maxkamadda ismaamulka Mandera ay ka billaabato dhageysiga dacwad uu wajahayo darawalkii kaxeynayay baabuurkii ay saarnayeen dhakhaatiirta laga afduubtay Mandera.
Falkaasi oo dhacay bishii afaraad ee sannadkan ayaa lala eegtay howlwadeeno caafimaad oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Cuba balse dowlad deegaankaasi ka shaqeynayay.
Shalay ayay ahayd markii wadaha baabuurkaasi oo lagu magacaabo Isaaq Ibraahim Robow la geeyay goobtii fal dambiyeedkaasi uu ka dhacay sido kalena maxkamadda la soo taagay.
Waxaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin inuu gaystay fal argagixiso , afduub, inuu garab siiyo fulinta fal argagixiso, in wadanka uu si sharci darro ah ku joogo sido kalena uu been sheegay sidaasina ku qaatay aqoonsiga dalka.
Ramadhan Kesi oo ah sarkaalkii booliska ee dhakhaatiirta ilaalinayay xilligaasi ayaa ka sheegaayay sida afduubka uu u dhacay.
Mr. Kesi ayaa xusay in afar nin oo saarnaa nooca takaasida ee loo yaqaano Probox oo midibkiisu casaan ah inay rasaas ku fureen .

Waxyaabaha uu sarkaalkan maxkamadda la wadaagay ayaa waxaa qiimeyn ku sameeyay dacwad ooge Mr. Harisson Kiarie iyo garsoore Martha Nazuushi oo labaduba ka howlgalo maxkamadda Milimani ee magaaladatani Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here