Dacwad ku saabsan xilka guddoomiyanimo ee Kirinyaga oo maanta maxkamadda ay dhageysan doonto

Maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme court , magaaladatani Nairobi ayaa maanta oo talaado ah la filayaa inay go’aan ka soo saarto muranka la xariira cidii sideedii bishii sideedaad ee sannadkii 2017-kii ku guulaysatay xilka guddoomiyaha dowlad deegaanka Kirinyaga.
Arrintan ayaa timid in muddo ahna soo jiitamaysay kaddib markii Martha Karua oo ka mid ahayd musharaxiintii tartanka galay ay diiday inay guusha raacday Anne Waiguru oo lagu dhawaaqay.
Anne Waiguru ayaa xilligaasi heshay codad gaaraya 161,343 halka Martha Karua ay heshay 122,091 codad ah.
Shacabka ismaamulkaasi ayaa maanta dhagta u taagaya go’aanka maxkamadda si mar kale loo ayido guushii Waiguru ama meesha looga tuuro.
Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool dowlad deegaanka Kirinyaga ayaa dareenkooda ku aaddan waxa ay rajeynayaan sidatan u muujiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here