Dacwad looga soo horjeedo dib u furka dugsiyada oo maxkamadda loo gudbiyay

Labo ka mid ah shaqsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada ee ismaamulka Homa Bay ayaa maxkamadda geeyay kiis ay kaga soo horjeedaan qorshaha dowladda ee toddobaadka dambe dib loogu furaya qaar ka mid ah fasallada dugsiyada wadanka.
Michael Kojo iyo Evance Oloo ayaa ku andacoonaya in dugsiyada badankoodu aysan dhaqangelin tallaabooyinka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19.
Labadan qof ayaa maxkamadda ka codsanaya inay wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha ku qasabto inuu shaaciyo taariikh kale oo dib loo furayo dugsiyada.
Sido kale waxay soo jeedinayaan in dugsiyada dib loogu laabto bisha koowaad ee sannadka 2021-ka.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ayay ku eedeyeen inuu isbeddel ku sameeyay jadwal sannadeedka waxbarashada iyadoo baarlamaanku uusan ansaxin.
Waxay sido kale maxkamadda u sheegeen inay walaac ka qabaan xaqiijinta badqabka ardayda iyo barayaasha maadaama wasaaradda caafimaadka aysan ku talin in dugsiyada lagu laaban karo.
Dacwaddan maxkamadda la geeyay waxaa la doonaya inay ka soo jawaabaan wasaaradda tacliinta, guddiga adeegga macallimiinta ee TSC , wasiirka caafimaadka Mutahi Kagwe iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki.
Qorshaha dowladda ayaa ah in Isniinta soo socoto ee 12-ka bishan ay dugsiyada dib ugu laabtaan ardayda fasallada afaraad iyo sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo ardayda dhigata fasalka afaraad ee dugsiyada sare.
Garsoore Thomas Obutu oo dacwaddan la hor geeyay ayaa ku tilmaamay mid degdeg ah .
Xaakinka ayaa sheegay in dacwaddan oo dhinacyo badan khuseysa la dhagaysan doono 21-ka bishan Oktoobar.
Dugsiyada wadanka ayaa xirnaa tan iyo bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan xilligaas oo kiiskii ugu horreeyay ee fayraska corona laga xaqiijiyay gudaha Kenya.
Go’aanka dowladda ee uu dhawaan ku dhawaaqay wasiirka wasaaradda tacliinta Prof. George Magoha ayaa kadis ku noqday waalidiin badan oo cabasho ka muujinaya inaysan haysan muddo ku filan oo ay carruurtooda isugu diyaarin karaan dib ugu laabashada goobaha waxbarasho.
Xilli dugsiyeedka labaad ee Isniinta billaabaya ayaa ka kooban 11 isbuuc waxaana dugsiyada la xiri doonaa 23-ka bisha 12-aad ee sannadkan waxaana mar kale la furi doonaa 4-ta bisha koowaad ee sannadka 2021-ka.
Ardayda fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ayaa imtixaanka shahaaddiga ee KCPE sameyn doono 22-ka ilaa 24-ka bisha saddexaad ee sannadka dambe halka kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare ay KCSE-da u fariisan doonaan 25-ka bisha saddexaad ilaa 16-ka bisha afaraad ee 2021-ka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here