Dacwad looga soo horjeedo sharcinimada CDF oo si buuxda loo dhagaysan doono

Kiis la xiriira in sanduuqa horumarinta deegaanada ee CDF-ta uu dastuuri yahay iyo in kale ayaa loo gudbinaya maxkamadda ugu sarreysa wadanka .
Garsoorayaasha ayaa si buuxda u dhagaysan doono dacwaddan kaddib markii la laalay codsi ka yimid guddiga CDF oo ahaa in dacwaddan meesha laga saaro.
Xakiinada ayaa codsiga guddiga ku tilmaamay mid aan niyad sami laga lahayn marka la eego xilliga uu ku soo beegmay.
Dacwaddan ayaa waxaa maxkamadda geeyay labo ka mid ah ururada u ololeeya arrimaha sharciga iyo maamulka.
Waxay doonayaan in maxkamadda ay ku dhawaaqdo in sharciga CDF Act uunan dastuuri ahayn maadaama sida ay ku doodayaan uu dowladda dhexe siinaya shaqooyin ka mid ah waajibaadka ismaamullada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here