Dacwad looga soo horjeedo talo uu David Maraga u jeediyay madaxweynaha oo la dhageysan doono bisha dambe

Maxkamadda dalka ayaa sheegtay in 25-ka bisha 11-aad ee sannadkan ay dhageysan doonto kiis loo gudbiyay oo looga soo horjeedo in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku tallaaba qaado talo uga timid madaxa cadaaladda ee wadanka Mr. David Maraga.
Maraga ayaa ku taliyay in hoggaamiyaha dalka uu baarlamaanka kala diro maadaama xubnaha ka tirsan aysan ku guulaysan meel marinta sharciga sinnaanta jinsiyadda.
Garsoore James Makau ayaa xusay in dacwaddan uu eegi doono dabayaaqada bisha soo socoto xilligaas oo uu qorshuhu yahay in mar kale la soo hadal qaado.
Waxaa doodaha dhinacyada kala duwan dhagaysan doono garsoorayaasha kala ah George Odunga, Pauline Nyamweya, Anthony Ndungu, Lydia Achode iyo James Makau.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here