Dacwadda ka dhan ah Babu Owino oo dib loo dhigay

Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa maanta dib u dhigtay dhageysiga racfaan uu doonayay inuu qaato xildhibaanka deegaanka bariga Embakasi ee magaalada Nairobi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino .
Garsoore Francis Andayi ayaa ciidamada ammaanka ku amray inay xaaladda dejiyaan kaddib markii buuq uu hareeyay afaafka hore ee maxkamadda.
Qeylo ka soo yeeraysay dadweynaha awgood, ma aynan suurtagalin in dacwadda ay sii socoto.
Booliska ayaa tallaabo degdeg ah qaaday oo dadka kala eryay.
Dacwad oogaha dowladda matalaya Jacob Ondari ayaa ka soo horjeeda in Babu Owino damiin lacageed lagu siidaayo.
Wuxuu codsigiisa u aaneeyay baaq ka yimid qoyska iyo qaraabada DJ Felix Odhiambo Orinda oo loo yaqaano DJ Evolve oo xildhibaanka lagu eedeynaya inuu toogtay uu weli isbitaal ku jiro xaaladiisana ay liidato.
Xubnaha qoyska ayaa sheegaya inay ka cabsi qabaan in hadii mudanaha damiin lagu siidaayo uu farageliyo cadeymaha baaritaanada ka dhanka ah.
Hasa ahaate qareenka matalaya Babu Owino ,Cliff Ombeta ayaa dhankiisa doonaya in eedeysanaha loo ogolaado racfaanka uu qaadanaya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii maxkamaddu ay amartay in xabsiga lagu sii hayo ilaa 27-ka Jannaayo oo maanta ah.
20-kii bishan ayay ahayd markii Babu Owino uu iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay.
Waxaa loo haystaa inuu toogasho kula kacay mid ka mid ah howlwadeenada goob lagu caweeyo oo loo yaqaano B-Club.
Falkaas ayuu gaystay 17-kii bishan aan ku guda jirno.
Mudanaha ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu isku dayay inuu ka takhaluso Felix Odhiambo Orinda.
Dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Babur Owino iyo racfaanka uu codsanaya ayaa dib u billaabata waxaana la filayaa in 3-da galabnimo uu xaakinka go’aan ka soo saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here