Dacwadda ka dhanka ah barasaabka Migori oo dib loo dhigay

Waxaa dib loo dhigay kiisaska loo heysto guddoomiyaha ismaamulka Migori Okoth Obado kaas oo wajahayo eedeeymo ka dhan ah wax isdaba marin .
Barasaabkan ayaa dacwadiisa loo dhigay ila 7 bisha October ee sannadkan
Tani ayaa timid ka dib markii qareenada difaacaya barasaabka Migori ay sheegeen inaysan wali helin dokumentiyada loo baahnaa sida ay amartay maxkmadda.
Garsooraha maxkmadda sare Lawrence Mugambi ayaa oggolaaday in dib loo dhigo dacwadda musuqmaasuqa ah ee loo haysto masuulkan.
Guddoomiyaha , afar ka mid ah carruurtiisa , ganacsato iyo qaar ka mid ah saraakiisha dowladda ismaamulka Migori ayaa lala xiriiriyay fadeexad lagu lunsaday 73.4 milyan oo shilin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here