Dacwadda u dhaxeysa Fatuma Gedi iyo Rashiid Qaasim oo mar kale billaabatay

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Gedi ayaa maanta ka soo hormuuqatay maxkamadda Milimani ee magaaladatani Nairobi iyadoo faahfaahin ka bixisay sida ay ku dhacday in bishii lixaad ee sannadkan uu dhibaateeyay Rashid Qaasim Aamiin oo ah xildhibaanka deegaanka Bariga Wajeer.
Waxay maxkamadda u sheegtay in guddiga baarlamaanka ee qaabilsan qoondeynta miisaaniyadda uu tagay ismaamulka Wajeer si uu u soo aruuriyo aragtida shacabka iyo baahiyaha ay qabaan.
Mrs. Gedi ayaa carrabka ku dhuftay in mudanaha uu weydiiyay sababta aynan deegaankiisa dhaqaale ugu qoondeynin balse ay u caddeysay in markii aragtida dadweynaha la aruurinayay sido kale la casuumay madaxda Wajeer sidaasi awgeedna qoondeynta lacagaha lagu saleeyay waxyaabihii shacabka ay sheegeen inay jecelyihiin in mudnaanta koobaad la siiyo.
Dadweynaha ayaa soo jeediyay in suuq loo dhiso balse Fatuma Gedi ayaa xustay in dhaqaalaha xilligaasi la hayay oo ahaa 100 milyan oo shilin sido kalena dhulka suuqa laga dhisayo lagu mursansanaa in guddiga qoondeynta miisaaniyadda uu go’aansaday in wax laga qabto baahiyaha sida biyaha iyo waddooyinka.
Sido kale waxay maxkamadda u sheegtay inay xildhibaanka faahfaahin ka siiyay qaabkii deegaanada Wajeer loogu qeybiyay dhaqaalaha iyadoo lagu saleynayo aragtida iyo dalabaadka shacabka.
Waxay intaasi ku dartay in Rashiid Qaasim uu ku eedeyay inaynan si caddaalad ah howshaasi u wajahin oo ayna been u sheegayso kaddibna uu laba mar feer la dhacay.
Gacan qaadka loo gaystay oo sababay inuu afkeeda dhiig ka yimaado ayay sheegtay inuu ahaa mid aynan filan balse wakiilka haweenka ee Homa Bay Gladys Wanga oo ay wada jireen ay iskudayday inay badbaadiso.
Xilligaasi oo wakiilka haweenka ee Wajeer lagu dharbaaxay gudaha xarunta baarlamaanka ayaa waxaa falkaasi ka dhalatay cambaareyn iyo hadal hayn xooggan.
Haweenka siyaasiyiinta ah ayaa baarlamaanka isaga soo baxay iyagoo muujinaya sida ay uga xunyihiin xadgudubka loo gaystay mid ka mid ah.
Dhageysiga dacwadda ayaa weli socoto wixii faahfaahin ama go’aan oo qodobkan ku soo kordho dib ayaad kala socon doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here