Dacwado ka dhan ah ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia oo dib loo dhigay

Maxkamad uu fadhigeedu yahay dalka Malaysia ayaa dib u dhigtay dhageysiga ilaa 5 dacwadood oo uu wajahayo ra’iisul wasaarihii hore ee wadankaasi Najib Razak.
Waxaa lagu eedeyay falal musuqmaasuqa oo ballaayiin doolar looga lunsaday sanduuqa dowladda ee 1MDB .
Dhageysiga kiisaskani ayay maxkamadu sheegtay inuu billaaban doono 26-ka bishan sideedaad.
Najib Razak oo sannadkii hore doorasho looga adkaaday ayaa lagu soo oogay 42 dembiyo ah oo ku aaddan musuqmaasuqa .
Hasa ahaate waxaa uu si joogta ah isaga fogeeyay eedeymahan isagoo xusay inay yihiin kuwo siyaasadeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here