Dacwado ku saabsan maamulka jaamacadda Nairobi oo berri la dhageysan doono

Waxaa la filayaa in berri maxkamadda ay dhageysato kiisas ku aaddan muran ka dhashay soo magacaabidda maamule ku xigeenka jaamacadda Nairobi.
Ilaa saddex dacwadood ayaa toddobaadkan gudihiisa maxkamadda loo gudbiyay.
Maxkamadda shaqaalaha ee dalka ayaa Prof Stephen Kiama oo uu horay wasiirka wasaaradda tacliinta Prof. Georhe Magoha u soo magacaabay inuu noqdo ku xigeenka maamulaha jaamacadda ka hor inta uunan ka laaban , ku amartay inuu sameeyo fal kasta oo saameynaya dacwadda jirta.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhankeeda Magoha u diiday inuu soo magacaabo xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha sare ee xarunta waxbarasho.
Waxaa go’aankan ku dhawaaqday Pauline Nyamweya hasa ahaate iyadoo lagu saleynaya tirada kiisaska arrintan ku aadan ee jira ayay dhigeeda Maureen Onyango amartay in dacwadahan la dhageysto 30-ka bishan oo berri ku beegan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here