Dad aan sidan maaskaro oo lagu xiray Garissa iyo Mombasa

Ciidamada booliska ee ka howlgalo ismaamullada Garissa iyo Mombasa ayaa xabsiga u taxaabay shakhsiyaad lagu eedeyay inaysan isticmaalin maaskarada.
Qaar ka mid ah dadkan ayaa la qabtay iyagoo sida haboon aan u xiran maaskarada ama jeebabka ku wato.
Xirashada saxda ah ee maaskarada ayaa ah in qofku uu daboolo sanka iyo afka.
Howlgalladan ayaa imaanaya hal maalin un kaddib markii abaanduulaha ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai uu saraakiisha ku amray in ay si buuxda u dhaqangeliyaan amarrada iyo talooyinka ay wasaaradda caafimaadka ku xakameynayso faafidda caabuqa corona.
Amarradan waxaa ka mid ah bandowga habeenkii jira inta u dhexeysa 10-ka habeenimo ilaa 4-ta aroornimo.
Ciidamada ayaa sidoo kale laga doonaya in ay xaqiijiyaan in qof kasta uu sito afxirka oo aynan dadweynaha aad isugu dhaweyn.
Mutyambai ayaa sheegay in gaadiidleyda la qabto iyagoo shaqeynaya wixii ka dambeeya 10-ka habeenimo lagala laabanaya leesinkii ay isku diiwaangeliyeen.
Amarrada dowladda ee ka dhanka ah cudurka COVID-19 cidii aan u hoggaansamin waxaa la saaraya ganaax lacageed oo dhan 20,000 oo shilin.
Ilaa iyo hadda gudaha dalka waxaa laga xaqiijiyay xaaladaha coronavirus oo gaaraya 59,595 waxaa Kenya cudurka COVID-19 ugu dhintay 1,072 qof halka 39,193 ay ka caafimaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here