Dad badan oo ku dhintay iska hor imaadka dhexmaray Armenia iyo Azerbejian

Ugu yaraan 26 dagaalyahanno dheeraad ah ayaa lagu dilay iska hor imaadyo dhexmaray ciidamada Azerbejian iyo Armenia .
Dagaalkan ayaa ka dhacaya gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorno-Karabakh.
84 militiri oo labada dhinac ah ayaa lagu soo warramaya inay dagaalka ku nafwaayeen halka tirada guud ee dadka rayidka ah ee la dilay noqonayso 11.
Shacabka la dilay 9 waxaa ay ka soo jeedaan Azerbejian halka 2 kalena ay u dhasheen Armenia.
Wadarta guud dadka ku dhintay dagaalkaas waxaa ay gaarayaan 95.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here