Dad badan oo lagu soo qabtay howlagallo dhuusamareeb laga sameeyay.

Ciidanka amniga ayaa howl gal ay xalay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ahan Caasimada maamulka Galmudug waxaay ku soo qabteen ku dhawaad 300 oo ruux kuwaasoo lala xiriirinayo falal amni daro ayadoo dhanka kalena shalay ciidamada amaanku qabteen wax yaabaha qarxa oo lagu qariyay gudaha magaalada Dhuusamareeb.
Ilaa xalay waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayadoo wadooyinka magaaladana Ciidamo badan lagu arkayay.
Ciidanka Booliska ayaa Galinkii danbe ee shalay Howlagada ka bilaabay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Wararku sheegayaan in taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya uu amray in la adkeeyo Ammaanka Magaalada, Maadaama halkaasi ay ka socoto qaban qabadda dhismaha maamulka Galmudug.
Ciidamada Amaanka Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay inay Gacanta ku soo dhigaan Waxyaabaha Qarxa ka dib howlgaladaas ay ka fuliyeen Xaafaddaha Magaalada.
Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb Gaashaanle C/lahi Xassan Macallin ayaa sheegay inay ku raad joogaan shaqsiyaadkii ka dambeeyey waxyaabahan lala rabay in Shacabka lagu dhibaateeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here