Dad fara badan oo ka barakacay Hiiraan iyo Shabeellada dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay Dadkii ugu badan saaka ka barakaceen Magaalada Bedweyne ka dib markii wabiga shabeelle uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada gaar ahaan dhanka xaafada xaawa-Taako.
Dadka ayaa la sheegay inay aadayaan dhinaca deegaanka Ceeljaale ee Duleedka Magaalada Baladweyne si la mid ah ay sanadkii horey ay ku barakaceen waxaan jirto cabsi xooggan oo ah in guud ahaan Biyaha ay gaaraan Magaalada Xaafadaheeda.
Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmada Baladweyene iyo Ganactasada oo iskaashanaya ayaa maalmahaan waday howlo lagu caru tuurayo goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga waxaana wali socdo dadaalo lagu kameynayo biyoaha fara badan ee Wabiga ka soo baxaya.
Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi Wasiiro ah kalhore u dirtay Beledweyne,kuwaasoo qiimeyn ku sameeyay halka ugu haboon oo Biyo xireen laga dhisi karo si looga baaqsado fatahaad soo noqnoqotay.
Sidoo kale Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle ee mara Gobolkaas saacadihii la soo dhaafay uu fatahaado ka sameeyay degmada Mahadaay,isla markaana dadka shacab ah ay halkaas barakaceen.
Deegaannada ugu daran ee uu Wabiga ka fatahay ayaa waxaa kamid ah tuulooyinka,Huriwaa, Diinlaawe iyo Mansoor,waxaana dadkii deganaa ay u barakaceen tuulooyin ka fog Wabiga oo aysan ka dhicin fatahaad.
Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee gobolka shabeelada dhexe Axmed Xuseen Afrax ayaa sheegay in fatahaada Wabiga uu baabi’iyay dalagyo badan oo ku yaallay Beeraha,isla markaana weli ay jiraan deegaano kale ay fatahaadu gaartay.
Waxaa uu sheegay in dadka badankood ay u barakaceen deegaannada,Fiidow, Buurane iyo Caasimadda gobolka Shabeellaha Dhexe ee Jowhar, ayna halkaas ku heystaan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah.
Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo hiiraan ayaa waxaay kamid yihiin Gobolada uu fatahaada ka sameeyo Wabiga gaar ahaan deegaannada hoostaga, Jowhar ,Balcad, Mahadaay,Magaalada Beledweyn iyo deegaano kale,waxaana dadka ay yihiin kuwo barakacay xili roobaadkasta markii uu wabigu fatahaada bilaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here