Dad hor leh oo Soomaaliland ugu Geeriyooday caabuqa Corona

Masuuliyiinta Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta oo Talaado ah markale waxay shaaciyeen natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaasoo baaritaano lagu sameeyey qaarkoodna laga helay Cudurka halka dad horleh ay deegaanada Soomaaliland u geeriyoodeen Covid 19.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta iyo ka hortaga Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 14 qof oo kamid ah Cudurka laga helay,kuwaasoo haatan ku jira xaalad karantiil ah.
Sidoo kale Guddiga waxaay sheegeen in laba Ruux oo horleh oo ku sugnaa Magaalooyinka hargeysa iyo Boorama ay Cudurka u dhinteen taasoo dadka deegaannada Soomaaliland ugu dhintay COVID-19 ka hada dhigeysa 17 Ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here