Dad ku barakacay fatahaadaha wabiga Shabeelle

Wararka ka imanaaya deegaanada uu maro Wabiga Shabeelle ee dalka Sooomaaliya ayaa sheegaya inay kordheen qasaaraha hantiyeed iyo saamaynta nololeed ee ka dhalatay wabiga oo ku fatahay ilaa 92-tuulo oo hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida uu sheegay maamulka gobolkaasi.
Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ahna ku simaha guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay inay fatahaadda wabiga ku barakaceen in ka badan 244-kun oo Qoys, kuwaasoo isugu jiray Beeraley, Xoolo dhaqato iyo dad tuulooyinka daganaa, oo hadda u baahan kaalmo deg deg ah.
Dhul beereed badan oo ay ka baxayeen dalagyada Sisinta, Galleey, Bariis, Digir iyo khudaarta nuucyadeeda kala duwan ayaa sidoo kale ku baaba’ay fatahaadda wabiga, waxaana beeraleyda oo faa’iido ka filayey tacabkooda ay hadda ku qasbanaadeen inay cid kale ku tiirsanaadaan maadaama ay biyuhu qaadeen gabi ahaanba wixii ay tabcadeen.
Dadka ku barakacay fatahaadda ayaa qaarkood soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, si ay u maareeyaan nolol maalmeedkooda, waxaana wali jira cabsi kale oo laga qabo inay fatahaaddu gaarto deegaano kale, xilli waddooyinka qaar ee gobolka shabeellada dhexe ay biyo lixaad leh xireen, sida maamulka gobolku warbaahinta u sheegay.
Fatahadda wabiga Shabeelle oo ku soo laalaabatay gobollada Hiiraan,Shabeelaha dhexe iyo shabeeladha Hoose ayaa khasaaro maaliyadeed gaarsiisay bulshada gobolladaas ku nool oo markii horeba u nuglaa masiibooyinka dabiiciga ah, waxayna fatahaaddu caqabad ku noqdeen wax soo saarkii beeraha iyo hankii ay dadku ka lahaayeen inay koboc dhaqaale sameeyaan maadaama ay goboladaasi ka mid yihiin kuwa ugu badan dalka Soomaaliya ee dhul-beereedka leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here