Dad ku dhintay daadad ku rogmaday Magaalada Qardho

Wararka ka imaanaya deegaanada Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Punrland ayaa sheegaya inay halkaas saacadihii la soo dhaafay ka da’ayeen Roob xoogan.
Roobka oo ku xooganaa Magaalada Khardho oo ka tirsan Gobolka ay Puntland u taqaano Karkaar iyo deegaannada hoostaga ayaa wuxuu sababay daadad xoog badan oo kusoo rogmadaan Magaalada Khardho iyo toolooyink ka agdhow.
Biyo farabadan ayaa lagu soo waramayaa inay buux dhaafiyeen xaafadaha kala duwan Magalada Khardho,kuwaasoo burburiyey Guryo ay sugnaayeen dad rayid ah,sidoo kalena waxyeelo u gaystay Goobo Ganacsi,waxaana jira dad ku dhintay daadadkaas sida ay warbaahintu sheegtay.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka ay Puntland u taqaano Karkaar Gaashaanle Dhexe Cabdi Caseyr Yuusuf oo warfidiyeenka la hadlay ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay xaqiijiyeen in daadadka ay ku dhinteen Saddex Ruux,balse dhimashada ay intaasi ka badan karto maadaama weli dad maqan baadi goob lagu haayo.
Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in dad farabadan la soo badbaadiyey Ciidamada Booliska Gobolkana ay wadaan gurmad kala duwan ee lagu soo badbaadinayo xaafadaha qaar ee Magaalada Khardho oo ay ku go’doonsan yihiin shacabkii daganaa.
Maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho ayaa dhankooda waxay sheegeen inay wadaan gurmad ballaaran,hayeeshee ay u baahan yihiin in la caawiyo maadaama daadadka ay yihiin kuwo xoogan.
Muuqaalo baraha bulshada la soo galiyay ayaa lagu arkayaay biyo aad u fara badan oo guud ahaan Magaalada Qaaday si xowli ahna ku socda ayadoo ay biyuhu sii qaadayaan Gawaaridii Magaalada dhex taalay ayadoo dadka qaarna ay meelo joogoodu sareeyo gabaad ka dhigteen.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka ka imaanaya Magaalada Khardho ayaa waxaay sheegayaan in inta badan Xaafadaha Magaaladaas ay daadadka sameeyeen,isla markaana dadka qaarkood la badbaadiyey halka kuwo kale xaafadaha qaar ay wali ku Go’doonsan yihiin uuna socdo gurmadka ay shacabka u fidinayaan saraakiisha amaanka ee halkaas ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here