Dad ku dhintay dab ka kacay isbitaal dalka Ruushka

Dhawr bukaan oo la xanuunsanaa fayraska korona ayaa ku dhintay dab ka kacay qeeybta dadka ay xaaladooduu liidato ee isbitaal ku yaalo dalka Ruushka halka 150 kalena laga daad gureeyay sida ay sheegtay wasaaradda xaaladaha deg dega.
Wasaarada ma aysan shaacinin tirada dadka ku dhintay dabka oo maanta ka kacay isbitaalka Saint George magaalada St Petersburg.
Warbaahinta maxaliga ee dalkaas ayaa ku soo warameysa in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen shilkan halka saraakiil ka tirsan wasaaradda ay sheegeen in dabka uu sababay neef caawiyaha oo aad u batay isla markaana qarxay.
Isbitaalkan Saint George ayaa la sheegay in lagu dabiibayay bukaanada la ildaran fayraska korona.
Sabtidii ayey ahayd markii dab ka kacay isbitaal ku yaala magaalada caasimada Ruushka ee Moscow uu hal qof ku dhintay .
Dalkan ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay xaqiijiyay kiisas dhan 10,899 waxayna tirada guud hadda gaartay 232,243, waana dalka saddexaad dunida ee kiisaska ugu badan laga diiwaangeliyay.
Dawladda Ruushka waxaa ay sheegtay in ilaa iyo hadda la baaray 5.6 milyan oo qof wuxuuna madaxweyne Vladimir Putin xusay in tirada ay labo jibaarayan ila 300,000 maalintii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here