Dad ku dhintay dhisma ku soo dumay wadanka India

Dhisme saddex dabaq ka kooban oo ku yaal duleedka magaalada Mumbai ee wadanka India ayaa dumay subaxnimadii hore ee Isniinta maanta waxaana ku dhimatay ugu yaraan 8 qof .
20 ilaa 25 qof oo dheeri ah ayaa lagu soo waeramaya inay ku xayiranyihiin dhismaha magaalada Bhiwandi, iyadoona ay kooxaha gurmadka deg dega ah ay wadaan samatabixin.
Muuqaalo laga soo daayay talafishanada dalka India ayaa muujinaya in dhismaha uu burburay.
Dhimahsada ayaana sii kordhi karta maadaama dad badan ay hurdayeen xiligii uu soo dumayay dabaqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here