Dad ku dhintay dibad-baxyada Uganda ka dib xarigii Bobi Wine

16 qof ayaa ku dhimatay isku dhacyo u dhaxeeyay booliska iyo dibadbaxayaal iyadoo dalka Uganda ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socdeen mudaharaadyo.
Waxaa dibadbaxa sameynaya taageerayaasha Bobi Wine oo ah musharax madaxweyne lana xiray.
Xiisaddan ayaa imanaysa iyada oo ay labo bilood ka harsan tahay doorashada Uganda.
Ciidamada booliska ee dalkaasi Uganda ayaa dibadbaxayaasha u adeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa iyo rasaasta nool kaddib markii ay xireen oo ayna dab qabadsiiyeen wadooyinka isla markaana bililiqaysteen dukaamada caasimadda Kampala.
Robert Kyagulanyi oo loo yaqaano Bobi Wine ayaa ah musharax madaxweyne dalka Uganda waxuuna hadda ku jiraa xabsiga ka dib markii lagu eedeeyay inuu jabiyay amarrada lagu xakameenayo cudurka Covid-19 oo uu qabtay isu soo bax dadweyne.
Moses Kafeero, madaxa booliska Kampala ayaa sheegay in dhimashadu ay tahay 16 halka dadka uu dhaawaca soo gaaray ay yihiin 45 oo qaar uu yahay halis.
Waxaa uu intaasi ku daray in ku dhawaad 350 dibadbaxayaal ah la soo xiray kuwaas oo lala xiriirinayo falal dambiyeedyo ay ka mid yihiin boob, burbur hantiyeed, carqaladeynta howlaha taraafikada, xatooyo iyo dhac.
Dibadbaxyada ayaa bilowday Arbacadii ka dib markii boolisku ay sheegeen in la xiray Mr. Wine ka hor isu soo bax siyaasadeed oo uu qaban rabay.
Bobi Wine ayaa ah musharaxa sida weyn ula tartamaya madaxweyne Yoweri Museveni oo doonaya inuu xilka qabto markii lixaad.
Doorashada dalkaasi ayaa lagu wadaa inay dhacdo 14-ka bisha Janaayo ee sannadka 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here