Dad ku dhintay qarax ka dhashay warshad kemikada soo saarto dalka India

Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhintay halka boqolaal kalena isbitaalka la dhigay ka dib markii gaas uu ka dilaacay warshad kemikada soo saarto xeebta Beri ee India.
Arrinkan ayaa waxaa maanta xaqiijiyay booliska dalkaasi.
Swarupa Rani oo ah ku xigeenka taliyaha booliska ee Visakhapatnam, ayaa sheegay in 9 qof ay ku dhinteen shilka halka 300 ila 400 oo qof ay ku dhaawacmeen.
Ugu yaraan 1,500 oo qof ayaa goobtaasi laga daad gureeyay.
Muuqaal laga baahiyay talefishenada dalkaasi India ayaa laga arkayay dad u badan haween iyo carruur kuwaas oo dhaqdhaqaaq la’aan jiifa wadooyinka.
Taliyaha magaaladaasi Visakhapatnam, ayaa shegay in gaaska uu dilaacay aroornimadii hore xilligaas oo ay qoysasku hurden.
Warshadan ayaa waxaa la furay maalmo ka hor kadib markii la dabciyay xayiraadihii saarna dalka India.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here