Dad ku dhintay Shil Gaari iyo Booliska Puntland oo ka hadlay

Accident or crime scene cordon tape, police line do not cross. It is nighttime, emergency lights of police cars flashing blue, red and white in the background

Wararka laga helayo duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Shil gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Gaariga Shilka galay ayaa ku dhacay God weyn oo uu dumiyey Roobkii dhawaan ka da’ay Gobolka Bari.
Baabuurka ayaa ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo tegay halka uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in shilkaasi uu ku geeriyooday hal ruux halka Afar kale ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale Taliyaha ayaa intaasi ku daray in gebi ahaanba ay joojiyeen isku socodka gaadiidka wadada xiriirisa Boosaaso iyo Gaalkacyo ilaa iyo inta dib u dayactir loogu sameynayo wadadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here