Dad lagu dilay weerarro kala duwan oo ka dhacay Burkina Faso

Ugu yaraan 10 qof ayaa la dilay ka dib markii kolonyo baabuur oo siday gargaar lagu weerarey dalka Burkina Faso, sida ay sheegtay dowladda, waxayna tirada ka dhigaysa 50 dhimasho ah oo ka dhalatay weeraro xiriir ah oo ay geeysteen kooxaha hubaysan.
Weerarka ayaa Sabtidii ka dhacay meel u dhow waqooyiga magaalada Barsalogho waxaana saacado ka hor weerar lagu qaaday suuqa xoolaha ee tuulada Kompienga ee bariga dalkaaasi halkaas oo lagu dilay 25 qof.
Weeraradan ayaa yimid maalin kadib markii kolonyo ay la socdeen inta badan dad dukaanley ah oo ay weheliyaan qeybta difaaca ee maxalliga ah lagu weeraray waqooyiga waddanka Galbeedka Afrika, halkaas oo ay ku dhinteen 15 qof waxaana lagu eedeeyay kooxaha hubaysan.
Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda falalkan.
Sannad ka hor boqolaal qof ayaa lagu dilay gudaha wadankaas in ka badan nus milyan oo qofna way ka carareen guryahooda rabshadaha awgood, oo sidoo kale dhaliyay xiisad qowmiyadeed iyo mid diimeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here