Dad lagu laayay Burkina Faso

Saraakiil ku sugan waqooyiga dalka Burkina Faso ayaa sheegay in ugu yaraan 29 qof lagu dilay laba dhacdo oo kale duwan, axaddii.
Afhayeenka dowladda, Remis Dandjinou ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in ugu yaraan 15 qof ay dhinteen kadib markii baabuur xamuul ah oo sida alaab iyo dadweyne “uu dul maray miino, xaafadda Barsalogho.”
Sidoo kale, 14 qof ayaa dhintay kadib markii kolonyo baabuur ah oo siday cunno lagu weeraray gobolka Sanmatenga, sida uu ku warramay afhayeenka.
Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay in ilo-wareedyo ku sugan degaanka ay ku warrameen in dadka dhintay badankood ay ahaayeen darwalladii baabuurta oo cunada ay sideen la waday dad ku barakacay dagaallo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here