Dad lagu tijaabinaya tallaalka cudurka Covid-19 ee Kenya

Waxaa la filaya in toddobaadyada soo socda in dalka laga bilaawo tijaabada ugu horeyso ee tallaalka cudurka Covid-19 kaddib oggolaansho ay ka heleen mas’uuliyiin arrintan mas’uulka ka ah.
Tijaabadaan waxaa hoggaminaya machadka sameeya cilmi baarista dhanka caafimaadka ee (KEMRI) oo kaashanaya Jaamacadda Oxford ee Boqortooyada Ingiriska,
Tiro gaareyso 40 qof oo mutadawiciin ah oo ku sugan dalka ayaa ka qeyb galaya tijaabada talaalkani.
Ilaa iyo hadda, 8,000 oo mutadawiciin ah ayaa tallaalka cudurkan ka qayb qaatay dalalka Ingiriiska, Brazil, iyo Koonfur Afrika, Kenya hadda waa dalka labaad ee Afrika ee ka qeyb qaadanaya tijaabadan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here