Dad lagu toogtay wadanka Jarmalka

Sedeed qof ayaa lagu dilay dalka Jarmalka ka dib markii dablay hubaysan ay rasaas ku fureen dad fadhiyay goob lagu caweeyo oo ku taala magaalada Hanau.
Ciidamada Booliska dalka Jarmalka ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof ay ku dhaawacmeen weeararkaas.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii geystay weerarka oo markii uu falka dhacay ka baxsaday goobta.
Dablayda ayaa weerarka ka fulisay goobo kala duwan o ku yaala bartamaha magaalada Hanau ee Jarmalka.
magaalada ay weerarka ka dhaceen ayaa waxaa ku sugan ciidamo badan.
ila iyo hadda lama oga u jeedka weerarkaas mana jirto koox si rasmi ah u sheegatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here