Dad lagu xir xiray Magaalada Laasacaanood.

Wararka ka imaanaya Magalada laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa waxaay sheegayaan in Ciidamada Booliska ee maamulka Soomaaliland ay Xabsiga dhigeen tira dad ah oo ka mid ah shacabka Magaaladaasi ku nool.
Sida ay wararku sheegayaa Dadkaan la xiray oo tobaneeyo kor u dhaafaya ayaa waxaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dad dagaal shalay kala horyimid Ciidamada Soomaaliland oo wada howlo burburin ah,kadib amar kasoo baxay Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliland.
Wararka ayaa intaasi ku darayaan in dadka la xiray oo isugu jiraan rag iyo Dumar ayna xalay ku hoydeen Saldhiga Ciidamada Booliska Magalada laas-Caanood.
Odayaasha Magaalada laas-Caanood,ayay wararku sheegayaa inay wadaan isku day dadkaasi lagu soo daynayo wallow aysan wali ku guulaysan soo dayntooda.
Artintaan ayaa imaanaysa ayadoo Magalada laas-Caanood ee xarunta gobolka Sool ay dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada Booliska Soomaaliland iyo dadka Shacabka ah oo maamul ahaan diidan Soomaaliland oo Magaaladaas maamusha,waxaana jirtay dhinaca kale dagaal beeleedyo ka dhacay Magalada laas-Caanood iyo tuulooyin hoostaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here