Dad qaraabo ah oo ku dhintay shil ka dhacay Homa Bay

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar qof oo ehel ah kaddib shil galinkii dambe ee shalay ka dhacay ismaamulka Homa Bay.
Shilka ayaa laga soo tabiyay meel u dhow goobta ganacsiga ee Kadongo ee deegaan baarlamaneedka Rachuonyo.
Waxaa isbitaalka deegaanka Rachuonyo la geeyay oo ay xaaladooda caafimaad liidataa 6 qof oo kale oo dhaawacmay.
Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in shilka uu u dhexeyay mid ka mid ah baabuurta ay dadweynaha raacaan ee loo yaqaano mataatuuda iyo gaari xamuul.
Saddex qof ayaa isla goobta uu shilku ka dhacay ku dhimatay halka midka afaraad ay naftu ka baxday isagoo la daaweynaya.
Guddoomiyaha bariga deegaanka Rachuonyo Kiprotich Rop ayaa sheegay inay guda galeen baaritaano dhacdadan ku aaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here