Dad Shacab ah oo ku waxyeeloobay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Gaariga la qarxiyay

Waxaa saakay duleedka Magaalada Muqdisho ee Caasimada gaar ahaan inta u dhexeeysa deegaanada Lafoole iyo Xaawo Cabdi ka dhacay qarax xoogan oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad badan oo shacab ah.
Qaraxaas oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ah ayaa haleelay Gaari nooca ay dadweynaha raacaan ee loo yaqaano Hoomey-da xili uu marayay agagaarka deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho.
Agaasimaha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Dr. Maxamed Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Isbitaalka madiina la keenay dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay duleedka Muqdisho.
Agaasimaha Isbitaalka Madiina wuxuu sheegay in 6 qof ay ku dhinteen qaraxaas, halka 7 of kalena uu soo gaaray dhaawac, isagoo xusay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan 2 ruux oo halis ah.

Mid ka mid ah dadka dhaawaca ah ee Gaarigaasi la socday ayaa isna faahfaahin ka bixiyay sidii ay wax u dheceen.
Wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah qoyskiisa ay halkaas ku geeriyoodeen halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen

Weli ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas Khasaaraha geystay ee saakay ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan Qaraxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here