Dad Shacab ah oo Lagu Laayay Hiiraan

121

Wararka naga soo gaaraya  Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in koox hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo maraayay degaanka Kabteedan.

Ugu yaraan 6 ruux oo Afar ka mid ah ay yihiin Carruur ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray Shacabkii Saarnaa gaariga la rasaaseeyay oo ahaa gaari dadweyne.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ku sugan degmada Maxaas koox hubeysan ayaa dadkaasi wadada u galay ka dibna laayay.

Kooxda dilka geysatay ayaa wali gacanta lagu soo dhigin waxaana maamulka gobolka Hiiraan ay sheegeen in ay waddaan baaritaano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here