DHAGEYSO:Dadaalada dib u heshiisiinta Galmudug ee ay dowladda Federaalka waddo oo la taageeray

Waxaa weli socdo kulamada kala duwan ee lagu taageerayo dowladda ay dowladda federaalka soomaaliyaa waddo ee uu hor kacayo ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre kuwaasi oo lagu doonayo in la soo dhiso Galmudug loo wada dhanyahay.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa kulan ku yeeshay aqoonyahaano, siyaasiyiin, mas’uuliyiin, waxgarad, dhalinyaro iyo haween ka soo jeedo maamul goboleedka Galmudug waxayna garab istaageen dadaalada dib u heshiisiineed ee uu Xassan Cali Khayre ku howlanyahay .

 

Waxaa shirka laga soo saaray 5 qodob oo dadkii ka qeyb galay ay ku taagerayaan dadaalada ku aaddan in la helo Galmudug mideysan dhammaan beelaha ku noolna ay ku qanacsanyihiin.
Qodobada kulanka ka soo baxay waxaa warbaahinta u akhriyay wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee Galmudug Daahir Faarax Fiidow

 

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa in muddo ah ku sugan Galmudug isagoo ka shaqeynayo sidii loo soo dhisi lahaa maamul goboleed mideysan meeshana looga saaro khilaafaadka iyo isqabqabsiga hadda u muuqdo in xal loo helayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here