Dadka aan goobaha bulshada ku xiran maaskaro oo xabsiga loo taxaabaya

Abaanduulaha ciidamada booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa sheegay inay si buuxda u dhaqan gelinayaan amar maalmo ka hor ka soo baxay wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe.
Waxaa uu wacad ku maray in saraakiisha ammaanka ay gacanta ku dhigayaan qof kasta oo aan sidan maaskaro ama marada sanka lagu xirto kuna sugan goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan.
Amarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda dhexe iyo ismaamullada ugu jiraan xakameynta faafitaanka fayraska Coronavirus.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha wadanka laga xaqiijiyay in 216 qof uu haleelay cudurka Covid-19 ee uu caabuqan sababo.
Mr. Mutyambai ayaa ku nuuxnuuxsaday inaan hadda kaddib loo naxariisan doonin oo tallaabada sharciyeed ee ku habboon laga qaadaya cid kasta oo aan u hoggaansamin amarrada iyo talooyinka Dowladda.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe uu wargeyska rasmiga ee Dowladda ku soo daabacay in qofkii isagoo aan maaskaro xirneyn lagu arko goob dadweyne sida suuqyada, waddooyinka , gaadiidka dadweynaha iyo xarumaha laga dukaameysto lagu ganaaxaya 20,000 oo shilin, in xabsi uu ku jirayo 6 bilood ama labaduba lagu ciqaabaya.

Jimcihii la soo dhaafay ayay wasiiradda wasaarada ganacsiga ee dalka ,Betty Maina sheegtay in shirkadaha ku yaalla gudaha wadanka ay awoodaan inay soo saaraan maaskaro dhan 6 milyan.
Warshadaha dharka ee ismaamulka Kitui iyo Rivatex oo ku taalla magaalada Eldoret ee dowlad deegaanka Uasin Gishu ayaa billaabay inay sameeyaan maradan la rumeysan yahay inay qofka ka caawin karto inaan cudurka loo gudbin hadii uu ku ag qufaco qof cudurka la xanuunsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here